Waaran soo xiris ah oo loo jaray Xasan Shire Abgaal ,Khadar Faroole & xuno kale

Waaran soo xiris ah oo loo jaray Xasan Shire Abgaal ,Khadar Faroole & xuno kale

Garoowe (Raxanreeb ) Xeer ilaalinta Puntland ayaa waaran soo xiris ah u jartay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale waxa ay xeer ilaalintu soo xiris u jartay, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Xubnahan ayaa lagu eedeyay ku  lug lahaanshaha dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaaalada Garoowe kaas oo salka ku hayay arimaha doorashooyinka

Deegaanada maamulka Puntland waxaa ka jira muran ka dhashay doorashada qof iyo cod  oo la filayo in ay ka bilaabato deegaanada maamulkaas.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa Amar ku bixiyay in la soo qabto Eedeysanayaasha si Maxkamad loo soo taago looguna qaado dambiga ay galeen ee laa xiriiraa khal khal gelinta Amniga Magaalada Garowe

Leave a Reply

Your email address will not be published.