Waare ”Reer Galmdug inta Shabaab na moodaan yaysan nagu qaldamin ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdiwaare oo ka hadlay kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegay in marka kowaad uu bogaadinayo dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab.

Maxamed Cabdiwaare ayaa sheegay in wax – kasta oo bilow ah dadka ay muujiyaan shacuurtooda , laakiin isagoo tusaalle u soo qaatay sida dadka ay u taageersanayeen Maxkamadihii oo markii dambe la ogaa halkii ay salka dhigteen .

Waxa uu sheegay in markii dambe ay isku – bedeleen maafiyo oo uu ula jeeday in qaarkood ay ka noqdeen Al- Shabaab oo ilaa iyo hadda loo taag la’ yahay oo ay noqotay masiibo dalka wali haysata.

Madaxwaynihii hore ee Hirshabeelle ayaa sheegay in Al- Shabaab markii hore ay kala jacaysteen dadka oo inta meelaha qaar ay kala xanibaan halka – gobolada qaarna waddooyinkooda caadi yihiin oo la adeegsanayo , dadkuna ay ka daba geeyeen.

Waare waxaa uu sheegay in kacdoonkan uu sabab u yahay markii culayska xoogiisa ay saareen dadka Hiiraan taasna ay keentay in dadka hubka ay qaataan laakiin mar hore uu soo bilowday tan hadda ay tahay mid dhamaystir ah.

” Deriska laga baran karo waa in hal beel keliya ay dhihi karto Shabaabow nama soo gashid , waxa ay ka dhici kartaa dhamaan gobolada dalka , hore qabiilo badan ayaa iska diiday , sida Baay iyo Puntland , Shabaab waxaa ka adag waa qabiil ” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare waxaa uu xusay in ay jiraan shaqsiyaad godaya kooxaha kacdoonka waxa uuna tilmaamay in taas ay tahay wax laga xumaado , fakaraha Al- Shabaabna ay gashay meel kasta oo Soomaaliya ah.

“Goobaha Al-shabaab laga saaray muhim maaha in ay ciidamadu iska joogaan waa in ay dadka deegaanku la wareegaan” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwaynihii hore ee Hirsahabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu xusay in la iska war hayo si aan la isku qaldamin waxan uu yir markale.
”Reer Galmdug inta Shabaab na moodaan yaysan nagu qaldamin ”

Hadalkan ayuu waare sheegay mar uu wareysi siiyay TV-ga Goobjoog ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.