Garoowe (Raxanreeb ) –Ciidanka amniga maamul goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay , shaqsiyaad iibiya waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa isticmaalayay labaduba sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga shaqsiyaadka ay hayaan ayaa laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe , halkaas oo wali ay ka sii socdaan howlgalada ay kula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya.
”Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro” ayaa lagu yiri warka booliiska.
Booliska Garawe ayaa ballan-qaaday in howlgalkan ka dhanka ah cabtoyda hubeysan ay si joogto ah usii wadi doonaan, waxa ayna caddeeyeen in howlgalkan lagu soo afjarayo cabtoyda soconayo ilaa natiijo wannaagsan laga gaaro.
Magaalada Garoowe ayaa ciidanka amniga waxa ay bilaabeen in ay roondeeyaan xiliyada habeenkii si ay ugu hortagaan waxyaabaha maanka dooriya oo ka ganacsigooda uu aad u kordhay.
Leave a Reply