Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka degan dhulka Wasaaradda howlaha guud iyo kan Dabdamiska in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u baneeyaan.
Maanta oo Arbacaha waxaa kulan arintaas looga hadlayo ayaa ka qabsoomay xaafadaha dowladdu ay sheegtay in baneeyo si loo burburiyo guryaha laga dhistay 30kii sanno ee la soo dhaafay.
Madaxwaynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka mid ah masuuliyiintii goobta ka hadlay isagoo oo fariin u diray shaqsiyaadka doonaya in dadka ay ka salkiciyaan dhulka wasaaradda howlaha guud iyo kan Dabdamiska ee xaafadaha Saybiyaano ee Muqdisho.
Xaaf ayaa sheegay in marnana suurtagal ahayn in xafadaha la baneeyo ayna sharci darra ay tahay hadalka ka soo yeeray Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
“Dhulka dabdamiska iyo hawlguud waa la isku leynayaa dad badan ayaa ku dhimanaya”. ayuu ka sheegay Xaaf shirka ay ku qabteen xaafadaha Saybiyaano .
Intaas waxa uu warkiisa ku daray in aan sax anan ahayn in dadkaas la barakiciyo iyadoo ay deganayeen dhulkaas muddo aad u dheer hadana koox gaar ah fulin karin barakicin sharci ku fadhinin.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay sidii loo sal kicin lahaa Qoysas badan oo degan dhulka dab damiska & kii howlaha guud ee xaafadaha Saybiyaano ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply