WAR CUSUB : Dagaal ka dhacay Hiiraan & khasaaraha.

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiaan ayaa sheegaya , in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Waxa lagu soo waramayaa in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay maanta deegaan u dhaxeeya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanka Ceel-hareeri oo u dhaxeeya Moqokori iyo Aadan-yabaal halkaas oo ay ku sugnayeen koox ka mid ah Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ciidanka Dowladda iyo kooxaha deegaanka ay weerar ku qaaday goob la sheegay in isku aruursanayeen Al-shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyada oo ciidamada degaanka ay gaarayeen degaano horleh sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wixii ku soo kordha kala soco

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.