BIRMAGEYDO : Ficilada Macwiislayda  &  Jawaabta Dowladda. 

Muqdisho (Raxanreeb ) Ma ahayn talaabo  ku dhisan sharci   waxaa ayna ahayda mid baal-marsan xeerka dagaalada   ee degsan , looma dhawaado  xiliyada adag ee dagaalada  Birimagaydada  taas oo haddii ay dhacdo ka dhalan karta cawaaqib xumo  sanado badan jiri doonaa raadadkeeda.

Deegaanada gobolka Hiiraan waxaa maalmo ka hor ka dhacday in caruur iyo haweenka saraakiisha kooxda Al- Shabaab inta kooxaha Macwiislayda u dhaceen  ay laayeen , iyaga oo qiil ka dhiganaya  in ay yihiin haweenka iyo caruurta  kooxda Al- Shabaab.

La-taliyaha amniga Qaranka ee dowlada Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay wargeyska New York Times ayaa sheegay in dadka qoorta laga gooyay ay tahay arrin qalad ah, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay xoogaga degaanka inay joojiyaan falalkaasi.

Hadalo uu jeediyay Guddoomiyaha gobolka  Hiiraan Cali Jayte  oo safka  hore kaga jira dagaalka  Al- shabaab ee ka socda  Hiiraan ayaa sheegay in kooxaha Macwiislayd ah si qalad ah u fasirteen hadal uu jeediyay  taas oo keentay waxyeelaynta caruurta iyo dumarka .

Isagoo markale ka hadlayay meel fagaaraha ayuu sheegay Cali Jayte  in kuwa uu amray in la dilo aanay ka mid ahayn xaasaska iyo carruurta Shabaabka, isla-markaana ay kuwaasi yihiin birimageeddo, ayna tahay in la daryeelo oo la dhawro daryeelno loo fidiyo.

Hadalada kale ee keeni kara  cawaaqib xumada oo  ay aqoon- yahannadu  sheegayaan ayaa ah in go’aanka ah in abaal marino la siinayo kuwa laaya Al- Shabaab in si tuhun ah oo aan cadayn loo haynin ku waxyeeleeyaan dad aan ku lug lahayn dhinacyada is haya si ay u helaan abaalmarin.

“Qoysaska dableyda Al shabaab xor ma ahan, waxaana rabnaa inay isa soo dhiibaan oo ay noo yimaadaan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray, “Ma ahan siyaasadda dowladda in dadka rayidka ah la laayo.” Ayuu sheegay markale La-taliyaha amniga Qaranka ee dowlada Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.

Laakiin Guddoomiyaha – gobolka Hiiraan  ayaa isagana sheegay inuu amray oo keliya in la dilo Ragga Al-Shabaabka ah ee dagaalamaya iyo kuwooda sirdoonka ah, ayna tahay in sidaasi loo fahmo.

Ficilka lagu laayay dad aan waxba galabsan keliya in ay yihiin awlaada ama Xaasaska Al- Shabaab ayaa  Dowladda Federaalka waxa ay kala kulantay  fadeexo iyo cambarayn taas oo haddii aan hadda laga hortagin keeni karta dhibaatooyin aan laga soo kabsan , muddo dheer.

Waqtiga dagaalka, waa in lagula dhaqmo xeerar aadminimo xataa cadowga aad iska soo horjeedaan. Xeerarkaasi waxay badankood ku yaalliin 4tii Axdi ee Jineefa ee 1949 iyo Habmaamuusyadii Dheeriga ahaa ee 1977.

W.Q Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.