WAR CUSUB : Khasaarihii ugu badnaa oo ka dhashay weerar ismaadiimin ah oo ka dhacay Baardheere

WAR CUSUB : Khasaarihii ugu badnaa oo ka dhashay weerar ismaadiimin ah oo ka dhacay Baardheere

Baardheere ( Raxanreeb ) Warar dheeraad ayaa laga helayaa Qarax baabuur oo saaka lagu weeraray guri ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka deganaayeen Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl  Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale),  guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiir hore Cabdirshiid Janan.

Wararka ayaa intaas ku daray in qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhinteen Qaraxaasi iyadoo dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha Gobolka Axmed Buulle.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa DF ayaa la geeyay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyagoo xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa aagaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxyo iyo rasaas weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday, waxaana go’an isgaarsiinta degmadaas.

Waxaa adag isgaarsiinta deegaanka si loo helo xogta khasaaraha rasmiga ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.