Qaramada Midoobay oo ka hadashay sharciga cusub ee soo galootiga ee UK

London (Raxanreeb) — Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga oo ka hadashay sharciga soo galootiga ee ay dowladda Ingiriiska soo jeedisay ayaa walaac weyn ka muujsay sharcigaas, iyada oo sheegtay inuu saaamayn ku yaalan doono dadka magangalyo doonka ah ee ku jira xaaladaha adag.

Wakiilka UNHCR ee UK, Vicky Tennant, ayaa BBC-da u sheegtay in tallaabadani ay ka hor imaan doonto sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda dadka magangalya doonka ah. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono “xudduudaha sharciga ee caalamiga ah”, iyadoo sheegtay in ay jirto bahai ku saabsan sharcigaan si “loo xalliyo dhibaatadan”.

Talaadadii, dawladdu waxay soo bandhigtay sharci cusub kaas oo si wax ku ool ah uga mamnuucaya qof kasta oo ku yimaada waddo sharci darro ah inuu magangalyo ka dalbado UK.

Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci darro ah ku soo galay dalka waxa sidoo kale laga hor istaagi doonaa inuu ku soo laabto ama uu mustaqbalka sheegan doono dhalashada Ingiriiska.