War ka soo baxay ninkii Soomaaliga ahaa ee uu ku dumay godka dahabka laga qoto

Milxo (Raxanreeb) — Waxaa hadda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay dedaallo lagu baadigoobayay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Saciid, kaasoo sadqii dhexe ee Khamiistii ku dumay god laga qoto dahabka, kaddib markii hadda la soo saaray meydkiisa.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodidda godkaas dumay, waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.