Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Al Cadaala ayaa maanta oo sabti ah sheegay in gabi ahaanba la mamnuucay in la baahiyo wararka ku saabsan A- Shabaab.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa xusay in mamnuuc ay tahay in warbaahinta iyo baraha bulshada lagu faafiyo wararka iyo afkaarta kooxda Al Shabaab, isagoo tilmaamay in dowladdu ugu digtayso warbaahinta iyo dadka kale ee faafiya wararka kooxdaasi.
” Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas”, ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.
Al Cadaalada ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab kaliya uusan aheyn midka hubka, balse lagala dagaalamayo kooxdaasi joojinta dhaqaalaha baada ah ay qaataan iyo sidoo kale gudbinta iyo faafinta wararkooda dacaayada ah.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa intaas waxa uu warkiisa ku daray in ay muuqayso jab sida uu yiri gaaray kooxaha Al- Shabaab , isla markaana laga saaray kooxda sida uu yiri meelihii ay kaga sugnayeen .
” Keliya ma ah dagaalka lugula jiro hubka sidoo kale waxaan lala dagalamayaa cid kasta oo faafinayso fakarkooda ” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Cabdirisaaq Al- Cadaala.
Leave a Reply