War Kooban : Ciidanka Amniga  oo Qarxiyay Gaari  miino lagu xiray.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya degmada  Boondheere  ayaa sheegaya in qarax lagu xiray gaari raaxada ah oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmadaas.

Ciidamda amniga  gaar ahaan  kuwa qaraxyada ayaa qarxiyay gaariga miinada lagu xiray sida dadka degaanka ay inoo xaqiijin.

Wali lama warin khasaaro ka dhashay baabuurka la qarxiyay ,saraakiisha amnigana wali kama aysan hadlin baabuurka la qarxiyay.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah ma aysan ka soo saarin , qaraxan la sheegay in la fashiliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.