DEG -DEG : Seddax qof oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Seddax ruux oo shacab ah ayaa lagu diley goordhow suuqa bakaraha ee magaalada MuqdishoKooxda dilka fulisay ayaa la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen waxaana durbadii soo gaaray ciidanka Dowladda.

Lama oga sababta dilka seddaxdan qof oo la sheegay in qaarkood ay ahaayeen ganacsato .

Dhawr mar suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ganacsato kuwaas oo dilka masuuliyadooda ay sheegteen kooxda Al Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dilalka joogta ah ee ka dhacaya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.