Gedo (Raxanreeb) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa naga soo gaaray gobolka Gedo ee webiga Jubba ayaa xalay ku fatahay degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolkaas. fatahaada ayaa bilaabatay shalay balse waxaa la soo sheegayaa iney xalay ka sii dartay.
Wararka ayaa sheegaya in biyaha webiga oo dacalada jabsaday ay galeen xaafadaha labada degmo halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan.
Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid webiga Jubba ayaa xalay cagta mariyey beero badan oo ku yaallay labadaas degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.
Dhanka kale, barakac balaaran ayaa la soo sheegayaa iney sameynayaan boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha webiga ay dhinac walba ka yimaadeen.
Sidoo kale qoysaska ayaa bilaabay iney alaabaha kala baxaan guryahooda ka dib lagu war geliyey in xaafadahooda ay masaafo gaaban ay biyaha u soo jiraan.
Waa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah ee webiga Jubba uu fatahaad sidan u baahsan ka sameeyo degmooyinka Doolow iyo Luuq sida ay sheegeen masuuliyiinta degmooyinkaas.
Leave a Reply