Muqdisho (Raxanreeb ) Taliska Ciidanka Uganda ee kusugan Soomaaliya ayaa sheegay in Maxkamad Muqdisho Lagu soo taagay Labo Sarkaal oo loo haysto“ Fall fulaynimo” ka dib weerarkii kooxda AS ay ku qaadeen Saldhig ciidamo nabad ilaalinta ay ku la haayeen deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 125 km koonfur uga beegan caasimadda Muqdisho.
War saxaafadeedka kaso baxay Ciidanka Uganda ayaa lagu sheegay in labada sarkaal aysan ciidanka ku dhiirigelin in si geesinimo leh ay u dagaalamaan markii laso weeraray.
Waxa lagu sheegay qoraalka in saraakiishan laga qaadi doono talaaba adag si baa la yiri tusaalle ay ugu noqoto ciidanka kale ee ka tirsan ATMIS.
Weerarkii ka dhacay Buulamareer oo Shabeellaha hoose ah waxaa uu sababay fadeexooyin soo wajahay ciidanka ATMIS iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo dhanka kale tuhun keentay.
Leave a Reply