Booliska Soomaaliya oo maandooriye ku qabtay Aadan Cadde Airport

Booliska Soomaaliya oo maandooriye ku qabtay Aadan Cadde Airport

Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska Soomaaliya ayaa galabta Muqdisho ku soo bandhigay daroogooyin laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay Kartoomo aad u badan oo daroogadaan ay ku jirtay, taas oo u badan daawooyin.

“Waxaan idiin soo bandhigeynaa daawooyin badan oo loo isticmaalo daraago ahaan, kuwaas oo booliska ka howlgala garoonka uu gacanta ku dhigay, in kastoo daawooyinkaan xanuuno loo adeegsa karo, hadana waxaa jirta in daroogadu ku badan tahay, oo intooda badan aan si sax ah loo isticmaalin,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dowladda oo ku dadaaleysa inay xakameyso dembiyada ay dalka ka geysa karaan dadka daraagiska isticmaala ay ka hortagtay in daawooyinkaan qatarta ah dalka lasoo geliyo.

“Ciidamada ammaanka waxaa la siiyey waajib ah inay ka hor tagaan wax kasta oo qatar ku ah xasiloonida dadkeenna, hadii aan sii deyneyno daroogadaan, lama aanaa dagaalameen Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Aadan Cali.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Booliska ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay dhaqaalahooda ka deystaan waxaan aysan dowladooda iyo diinta suuban ee Islaamka aysan ogoleyn, khatartana ku ah bulshada ay u adeegayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.