Sheekh weeyn oo lagu dilay Laascaanood

Sheekh weeyn oo lagu dilay Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa maanta billowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood.

Marxuum Bide Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

Kacdoonkan ka socda magaalada Laascaanood oo loo bixiyay Kacdoonka Buluugga ayaa shacabka magaalada waxay ku dalbanayaan in ay Somaliland ka baxdo gobolka Sool.

Kacdoonka oo markii hore ka billowday dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka reer Sool ayaa sidoo kale samaayn ku yeeshay degaanno kale oo ka baxsan Laascaanood.

Ciidanka Somaliland ayaa u adeegsanayaa hubka culus boqolaal qof oo shacab ah, kana soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laascaanood iyagoo dareenkooda cabiraya.

Puntland, oo gobalkan laga qabsaday 15 sano kahor, ayaa si rasmi ah uga hadlin, Madaxweyne Deni ayaa aamusnaan dheer kagalay, isagoo horey uga hadlay dhacdooyin ka hooseya qadiyadan oo ka dhacay meelo kamid ah Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.