WARBIXIN | Dagaal BEELEED ka dilaacay – meelo badan oo dalka ah.

WARBIXIN | Dagaal BEELEED ka dilaacay – meelo badan oo dalka ah.

Muqdisho (Raxanreeb )  Deegaano badan oo dalka ah waxaa si siman looga soo sheegayaa inay ka  jiraan dhibaatooyin ku saabsan , dagaal beeleed kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Gobolka Shabeellaha hoose   iyo Baay ayaa ugu  badan meelaha hadda laga soo sheegayo dagaalada salka ku haya qabaa’ilka kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo maal.

Degmada Qoryoolay dagaal u dhaxeeya la sheegay inuu ka  bilowday is qabqabsi maamul ee beelaha dega degmadaas ayaa sabaay dhimashada 6 qof oo dhinacyada dagaalamay iyo dhaawac intaas ka badan.

Meelaha kale ee la soo calamadaynayo dagaladan ayaa magaalada qadiimiga ee Baraawe  halkaa soo saacado badan ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed oo halkaas ka wada dega.

Laamaha amaanka ayaa heegan buuxa la galiyay si looga jawaabo colaada qabaa’ilka ee soo cusboonaatay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dad badan oo gurmad caafimaad u baahan.

Dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka ayaa soo jiitamayay khilaafyo soo noqnoqday, taasoo uga sii dartay xaaladdii markii horeba kacsanayd.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi laga qabo in colaada u dhaxeysa maleeshiyo beeleedka ay sii xumaato, taasoo sare u sii qaadaysa walaaca laga qabo amniga iyo ammaanka dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.