SYDNEY : Faahfaahinta weerar ka dhacay Australia oo loo adeegsaday toorey.

SYDNEY : Faahfaahinta weerar ka dhacay Australia oo loo adeegsaday toorey.

Sydney (Raxanreeb ) – Magaalada Sydney, nin toorrey ku hubaysan ayaa dilay shan qof tiro kalana dhaawacay goob mashquul badan oo laga dukaamaysto halkaas oo ka dhashay jaahwareer iyo kala carar sida ay goob joogayaal sharaxeen.

“Waxay ahayd waalli,” ayay tiri haweeney arxagagasan ka muuqday, markii ay sharraxaysay inay aragtay haweeney dhaawac ah oo dhulka jiifta.

Dad badan ayaa la arkayay iyagoo ka cararaya xarunta ganacsiga ee Westfield ee Bondi ee bariga magaalada iyadoo daraasiin baabuurta gurmadka ah ay ka jawaabeen shilka.

Booliska ayaa sheegay in markii danbe ciidanku ay toogteen qofka weerarka gaystay. Goob-jooge kale ayaa sheegay inuu maqlay “dadka oo qaylinaya oo ordaya”.

War kasoo baxay booliiska magaalada Sydney ayaa lagu sheegay in weerarka tooreyda loo adeegsaday ku dhinteen ilaa lix qof oo shan kamid ah haween ahaayeen, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 8-qof oo kale oo carruur ku jiraan.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah u gaaray goobta weerarka ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay toogasho ku dilaan ninkii weerarka geestay oon wali booliiska faah faahin badan xogtiisa ka bixin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.