WARBIXIN | GAZA oo ay ku dhinteen 27,000  & shir ka socda Paris

WARBIXIN | GAZA oo ay ku dhinteen 27,000  & shir ka socda Paris

Paris (Raxanreeb ) Magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo sidii xabad joojin ay ugu dhaqan gali lahayd marinka GAZA halkaas oo wali ay ka socdaan duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil.

Dadaaladan oo in mudda ahba socday ayaa ujeedka ahaa in marinka GAZA ay noqoto meel ka caagan colaada isla markaana la badbaadiyo dadka marasta ah ee halkaas ku haray.

Kooxda Hamaas oo ka hadashay dadaaladan socda ayaa sheegtay in ay ka fiirasanaysa qorshaha socda ee xabad joojinta ee marinka GAZA , halkaas oo dad badan ay ku dhinteen , kuwa ku dhaawacmeen halka dad badan ay isaga soo carareen.

waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo eek a jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Isra’il ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha.

Ku dhawaad 85% dadka reer Gaza ayaa waxaa barakiciyay duqeymaha Israel, halka dhamaantooda ay haysato cunto yari, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.