WARBIXIN : Maxaa laga og-yahay shirka Nabad & Nolol ay ku yeelanayaan Turkey

Ankara (Raxanreeb ) In dhawaalaba waxaa gudaha dalka iyo dibadiisa ka soconayay , shirar kala duwan oo ay lahayeen xubnaha Nabad iyo nolol ee looga itaal- roonaaday doorashadii dalka ka dhacday 15-kii May.

Shirarkan socday waxa ay gogol xaar ua ahaayeen shirwayne guud ee ka qaybsamooya magaalooyinka dalka Turkigag si gaar ah Ankara sida ay xaqiijinayaan ilo- xog ogaal ah.

Turkigaga waxaa hore ugu sugnaa xubnaha Nabad iyo Nolol kuwaas oo qaban qaabinayay shirka aadka loo hadal hayo ee halkaas ay ku yeelanayaan masuuliyiinta Nabad iyo Nolol oo uu ka mid yahay Taliyihii hore ee Nabad sugidda Fahad Yaasiin Haaji Daahir.

Waxaa looga hadli doonaa sida wararka RBC ay helayso , aayaha Nabad Nabad iyo Nolol iyo sida ay u wajahi doonaa siyaasadda daka oo markale ay – damacsan yihiin in ay soo laba- kacleeyaan.

Markii shalay magaalada Muqdisho muddo dheer ka dib uu ka duulay Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol waxaa soo baxayay warar xoogaysanayay oo ku saabsan is- aruuriga kooxda Nabad iyo Nolol.

Kabiirka kooxdan oo lagu tilmaamo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku sugan Turkigag- halkaas oo uu ka waday in mudda ahba siyaasadda kooxda isla markaana ugu danbeyn la isla gartay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku biiray saxiibadiisa.

Xubnaha Nabad iyo – Nolol ayaa lagu soo waramayaa in shirkooda ay qayb ka yihiin xubno kale oo ay is leeyihiin , waad ka heli kartaan taageero dhanka kasta ah marka la gaaro waqtiga doorashada ee soo aadan.

Madaxwaynihii hore ee dalka marka uu tago dalka Turkigaga waxa ugu horeya ee uu qaban doono ayaa ah kulamo siyaasadeed oo uu la yeesho saxiibadiisa ku sugan dalka Turkiga si loo sii ambaqaado geedi siyaasadeed ee mudada dheer rarnaa isla markaana laga fakaro halka rarka lagu furi doono.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah xildhibaan aan dhicin oo uu Dastuurku siinayo lama sheegin in uu degi doono Turkiga , laakiin xogta la hayo ayaa sheegay in qorshihiisu yahay inuu ku sii noolaado caasimadda dalka ee Muqdisho.

Si kastaba waxaa la dhawrayaa laba- kaclaynta – kooxda Nabad iyo Nolol iyo sida ay ugu babagac dhigaan siyaasadda dalka ee uu hoggaanka u hayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad qabanayo hoggaaminta dalka.

W.Q Hanad Ali Guled
Raxanreeb- Mogadishu
.

Leave a Reply

Your email address will not be published.