Muddo kordhin loo sameeyay Muuse Biixi Cabdi & Buuq ka taagan Somaliland

Hargaysa (Raxanreeb ) Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta oo sabti ah muddo laba sanno ah u kordhiyay muddo-xileedka Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Fadhi ay ku yeesheen xarunta magaalada Hargaysa ayaa sidoo kale ku darsaday waqti dheeraad ah, guddoonka Golaha Guurtida Somaliland .

Talaabadan ayay sal uga dhigeen xaaladaha taagan & ballaarinta Xisbiyada, Ururrada Siyaasadda & diyaargarowga aanay ku qabsoomi Karin waqtiga doorashada uu dastuurka dhigayo.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan waxaa uu wajahaya cadaadis xagga siyaasadda ah oo kaga imaanayay qaybaha – Bulshada Somaliland si – gaar ah xubnaja mucaaradka.

Warar RBC uu ka helayo magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in buuq xooggan uu hareeyay fadhiga kahor iyo kaddib codeynta, waxaana si wayn uga hor yimid Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

Hoggaamiyaasha mucaaradka ee aadka u diidan in doorashadu waqtigeedu ay ku dhacdo aaya lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay dhigaan dibadbaxyo waa wayn oo ay kaga soo horjeedaan go’aankan.

Waxaa la xasuustaa dhimashadii iyo dhaawacii ka dhashay dibadbaxyo rabashado wata oo dibadbaxyaal ay ka dhigeen magaalooyin ka mid ah Somaliland oo laga diidanaa xukun isku dhejinta Muuse Biixi Cabdi

wixii ku soo korhdha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.