WARBIXIN : Muddo xileedka Laftagreen oo maanta ku eg & Hanjabaadaha siyaasiinta KGS.

Baydhabo ( Raxanreeb ) Maanta oo Taariiqdu ay tahay 19- ka December waxaa ku eg muddo xileedka dastuuriga ah ee xil haynta Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen , inkastoo maamulka hadda jira uu ku doodayo in la is waafajiyay xil- haynta Barlamaanka maamulkaas iyo tan madaxwaynaha.

Magaalada Baydhabo maanta waxaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto guux siyaasadeed oo ka dhalatay muddo xileedka Cabdicasiis Laftagareen oo lagu eedaynayo inuu xukunka isku dhejinayo oo uusan doonayn in si nabad ah ku wareejiyo xukunka.

Inkastoo magaalada aysan ka jirin dhaqdhaaq ciidan oo xukunka hadda jira hore u diiday isu imaanshaha kulamada siyaasadeed iyo in ay yimaadaan siyaasiinta Baydhabo , hadana waxa wax badan la iska waydiinayaa waxa dhici kara marka loo eego sida siyaasiinta u diidan yihiin sii joogista Cabdicasiis Laftagareen.

Maamulka jira isaga waxa uu ku adkaysanayaa in aysan jirin muddo xileed dhamaaday taas bedelkeedana waxa  uu qarash badan uu ku bixinayaa xafladaha sanadguurada 4aad ee doorashada Cabdicasiis Laftagareen.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka jiray hanjaabyo ay jeedinayeen siyaaasiinta xil doonka ah ee ka soo jeeda deegaanada maamulka koonfur Galbeed kuwaas oo sheegayay in wixii ka danbeeya 19ka December oo maanta ah madaxwayne aysan u aqoonsanayn Cabdicasiis Laftagareen oo xilkiisa sida ay sheegeen maanta ku eg .

Lama oga talaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan siyaasiinta faraha badan ee ku sugan Muqdisho ee loo diiday in ay tagaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , kuwaas oo ku baaqaya uun in doorasho la qabto maadama waqtiga Dastuuriga ahaa uu ka dhamaaday Cabdicasiis Laftagareen.

Maalmo ka hor si xiisada ka dhalatay xil haynta maamulka hadda jira loo dejiyo waxaa koonfur Galbeed tahay Guddoomiyaha Golaha shacabka hase ahaatee safarkaas waxaa lagu tilmaamay mid hal dhinac u danaynaya .

Si kasta Dowladda ayaa isha ka daawanaysa xaalka siyaasadeed ee ka jira koonfur Galbeed , waxaana soo baxaya hadalo xanaf leh oo  ay tahay in si dhab ah loogu baraarugo , maadama la og yahay natiijada ka dhalan karta xukun isku dhejinta.

WQ Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.