Saciid Deni & Ururrada Siyaasadda Puntland oo Qoorta isugu jira.

Garoowe ( Raxanreeb ) Puntland ururrada siyaasadda ee ka dhisan ayaa sheegay in madaxwaynaha maamulkaas uu doonayo inuu kala jabiyo ururrada siyaasadda si bay yirahdaan u gaaro dano isaga u gaar ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedyada qaar ee ka dhisan Puntland  ayaa lagu sheegay in xukuumadda Puntland fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

Warsaxafadeedka ka soo baxay ururradan ayaa lagu xusay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu doonayo in uu sameysto muddo  kororsi sidoo kalena ,isla markaana aysan aqbaleyn

Guddiga doorashooyinka ayaa qoraalkan lagu sheegay in aysan dhaxdhaxaad ahayn , loona baahan- yahay in dib u eegis lagu sameeyo howsha shaqo ee ay hayaan.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado kadib markii madaxweynaha Puntland iyo lix urur siyaasadeed ay sheegeen in ay heshiis ka gareen doorashooyinka qof iyo cod.

Leave a Reply

Your email address will not be published.