WASHINGTON (Raxanreeb ) Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamuud ayaa galabta [waqtiga Geeska Afrika] gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo berito uu ka furmi doono shirka dowladda Mareykanka iyo madaxda Afrikaanka oo socon doona saddex maalmood.
Shirka waxaa ku sugan kooxaha xuquuqda aadanaha oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo adag ka weydiin doona madaxweynaha Soomaaliya xadgudubyada ay dowladdiisu ka geysaneyso gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin tacaddiyada lagu hayo warbaahinta iyo xarigga sii socda ee Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS Mr. Abdalle Ahmed Mumin. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ajendihiisa ku darsanaya weerarada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliya.
#SJS waxay ka mahadcelinaysaa kaalinta ay qaadanayaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo xubnaha Congress-ka Mareykanka.
Leave a Reply