WARBIXIN : Sida Sh. Dhexe ay uga socdaan Gulufka ka dhanka ah Al- Shabaab ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Abaabul in muddo ahba ka socday magaalada Muqdisho kaas oo ka dhan ah Al- Shabaab ayaa u muuqda markan beesha Abgaal in ay u jihaystay in ay ku biirto kacdoonka ka socda gobolada Hiiraan iyo galgaduud si la isaga dulqaado culayska Al- Shabaab ay ku hayaan dadka deegaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib kulan ay Beesha Mudulood ay ku yeelatay Muqdisho, kaas oo ay uga dhawaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilowday deegaanada beesha ee ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Waxaa in muddo ah lagu dhaliilayay beeshan in ay ka gaabsanayso – ka qayb galka dagaalka ka socda gobolada la dariska ah Shabeellaha Dhexe kaas oo loogu guulaystay in Al- Shabaab laga saaro meelo badan oo gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Gulufka ka socda Shabeellaha Dhexe waxaa qayb ka ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ayna saldhig ka dhigteen magaala xeebeedka Cadale oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo aad u xoog badan.

Masuuliyiin isugu jira , saraakiil iyo xildhibaanno oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in abaabulkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, iyo Aadan- Yabaal halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka oo qayb ka ah gulufka colaadeed ee ka socda degaano badan oo shabeellaha Dhexe ayaa wacad ku maray in marnaba dib ugu soo laaban doonin gobolka ilaa Al- Shabaab ay ka fara- maroojiyaan oo ay ka saaraan degmada Aadan Yabaal oo saldhigyo iyo goobo caafimaad ku leh kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Dhaxe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ayaa la rumeesan yahay in Al Shabaab kasoo abaabulaan weerarada ay ka geestaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana Hirshabelle toos uga bilowday markan dagaalka dhan ah Al Shabaab.

Howlgaladan ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qayb ka ah dadaalada beelaha qaar ay ku doonayaan in Al- Shabaab ay kaga saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin gobolada Shabeellaha Dhexe , Hiiraan iyo galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.