Maydad laga soo saaray goobihii qaraxyadu ay ka dhaceen ee Beledwayne.

Beledwayne (Raxanreeb ) Dhismaha hoostooda ee burburkii ka dhashay weeraradii shalay ka dhacay magaalada Beledwayne ayaa maanta oo Talaada ah laga soo saaray maydadka dad ku dhintay qaraxaydii Al- Shabaab – halkaas ay ku qaadeen.

Shaqaalaha Dowladda hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maanta dhawr mayd ay ka soo saareen dhismaha burburay ee saameeyay qaraxyadii is xig-xigay ee ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Goobaha weeraradan ay ka dhaceen , waxaa maanta gaaray xubno ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan kuwaas oo sheegay in ay ka xun yihiin weerarada Al- Shabaab ka gaysteen Beledwayne isla markaana ay baadi-goobayaan dad eheladooda ay la’ yihiin.

“Aniga waxaa laga soo saaray saxiibkayga dhismaha hoostooda oo aan waysanaa tan iyo shalay , halkaan dad badan ayaa ku dhintay aadbaan ugu xumahay ” sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Dowladda hoose ee maamulka Hirshabeelle.

Dad badan oo ehelkooda waysanaa tan iyo shalay ayaa maanta buux dhaafiyay goobihii qaraxyadu ay ka dhaceen halkaas oo laga soo saaray maydad dhawr ah sida ay sheegeen xubno ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootay 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo Al- Shabaab ay ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.