WARCUSUB :  Askar ku  waxyeelowday qarax  ka dhacay magaalada Muqdisho .

WARCUSUB :  Askar ku  waxyeelowday qarax  ka dhacay magaalada Muqdisho .

Muqdisho (Raxanreeb ) – Ciidamo ka tirsan  Dowladda Soomaaliya ayaa qarax maanta lagula eegtay degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Qaraxa waxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso – waxaana lala eegtay qaar ay saarnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo wada maryay.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari, halka abaanduule iyo Taliye horin ay dhaawcayo kasoo gaareen.

Sida la sheegay ciidanka waxyeelada soo gaartay ayaa loola cararay – goobaha  caafimaad ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dawaynayo dhaawacyadooda.

Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo  halka qaraxa uu ka dhacay soo gaaray ayaa  fuliyay howlgal ay amniga ku sugayaan mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen laamaha amniga qaraxa.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah laamiga dheer ee kala qeybiya degmooyinka Dharkiinleey iyo Kaxda ee dhalinta sawirrada iyo muuqaalada isaga duubto, balse barta Miinada la dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.