Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxa uu kulan kula qaaday Odayaasha iyo waxgaradka iska leh kursiga sumadiisa ay tahay HOP 176 oo muran badan uu ka taaganaa.
Kursiga oo u xirnaa hal shaqsi 20-kii sanno ee la soo dhaafay ayay Odayaashu sheegeen inuu ahaa mid aan loogu adeegin dadkii ay ahayn in matalaadiisa wax loogu qabto.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u balanqaaday odayaasha kursiga uu ka maqan- yahay in kursigan uu noqon doono mid daahfuran oo aan loo laaban doonin inuu ka mid noqdo kuwo xiran.
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa codsaday in agoontii uu ka dhintay AUN xildhibaan Boorow lagu samirsiiyo kursigan seddaxda sanno ee soo socoto , taas oo ka dhigan in kursigan shaqsi loo xiray.
Waxaa uu ahaa kulan aan waxba la iskula reeban oo Odayaasha dhaqanka ay ku soo badhigeen dhibaatada iyo dhiiga ku daaday kursiga oo ah mid xirnaa labaatankii sanno ee la soo dhaafay.
Inkastoo Odayaasha dhaqanka iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ay miiska saareen in loo baahan yahay in kursiga uu noqdo mid loo tartami karo , hadana shirka waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha iyo culayska uu leeyahay kursigan.
Si kastaba wali magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa ka soconaya kulamada looga hadlayo aayaha kursigan oo ka maqan matalaadiisa Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya .
Leave a Reply