Wariye mucaarad ku ah dowladda Koonfurta Sudan oo lagu la yahay Kenya

Sudan (Raxanreeb) — Qoyska wariye caan ah oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in lagu afduubtay xubinta qoyskooda dalka Kenya, oo si qasab ah looggu soo celiyo koonfurta Sudan.

Morris Mabior Awikjok Bak, ayaan la arag tan iyo markii lagu xiray magaalada Nairobi ku dhawaad ​​saddex toddobaad ka hor, rag ku labisan dareeska booliiska Kenya.

Mabior Awikjok, oo ah nin dhaleeceeyay madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa magan gelyo siyaasadeed weydiistay dowladda Kenya.

Dowladda Koonfurta Suudaan, ayaa lagu eedeeyay inay caburiso mucaaradkeeda.

Lix wariye ayaa la xiray bishii hore, kuwaasoo lala xiriirinayo baahinta muuqaalo u muuqday mid muujinaya Kiir oo dharkiisa hoose ay qoyan yihiin.