Mudisho waxaa ka sii socda dilalka , Nabadoon  caawa lagu degmada Waaberi

Muqdisho ( Raxanreeb ) 9Nabaddoon Ibrahim Guure Xalane oo saacado ka hor lagu dilay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal isxigxiga oo maalmahan ka dhacay degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Waxaa jira dayac xaga amniga ah oo ka jira magaalada Muqdisho , taas oo ay walaac ku abuurtay dadka ku nool degmooyinka Muqdisho.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo goobta ka qaaday maydka marxuumka la dilay.

Maanta waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada oo ku qarxay meel aad ugu dhaw Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.