Warka ATMIS ay ka soo saartay dil ay u gaysteen wiil dhallinyara ahaa malagu qanci karaa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray dil shaly ka dhacay magaalada muqdisho kaas oo ay geysteen ciidamo a tirsan ATMIS.

ATMIS ayaa sheegtay in baaritaan dheeraad ah ay ku samayn doonto dilka askarteeda ay u gaysteen wiilka dhalinyarada ee ku sugnaa Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho.

Dilka wiilka dhallinyarada ahaa waxaa ka dhashay caro xoogan oo sababtay in dad ka xanaaqsan dilkaas ay xirtaan waddooyin ka mid ah caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.