Wasaaradda Gaashandhigga oo talaabo qaaday.

Wasaaradda Gaashandhigga oo talaabo qaaday.

Muqdisho (Raxanreeb )-Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay how-lagllo ay ciidanka dowladdu ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeladda dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Ciidanka kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay agagaarka magaalada Ruun-nirgood ee gobolkaShabeeladdadhexe iyo degaanka toora toorow ee Shabeeladdahoose, sida uu sheegay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed Xasan.

Howl-galladan ayaa lagu khaarijiyay 4 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida uu sheegay Afhayeenku, asagoo intaa ku daray inay ciidanku gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaanno laylada ah oo siday hub iyo rasaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howl-gallo kale ay ciidanku ka sameeyeen dhexyaallo iyo Golweyn oo ah deegaanno ka kala tirsan labada shabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.