MARKAB si xoog ah loogu soo furtay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

MARKAB si xoog ah loogu soo furtay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Muqdisho (Raxanreeb )- Hawlgalka ATALANTA, oo ah ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, ayaa ku guuleystay in markabka M/V BASILISK ee ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay rag looga shakiyay burcad badeednimo.

Markabka oo ay saarnaayeen 17-shaqaale ah ayaa la weeraray maalintii Khamiista ee 23-kii May, xilli uu marayey badweynta Hindiya, meel qiyaastii 380 mayl-badeed dhinaca bari kaga beegan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa gacanta ku dhigay rag la socday labo doomo oo yaryar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ganacsiga badaha Ingiriiska ee UKMTO.

Ciidamada ATALANTA ayaa soo gaaray goobta habeenkii Khamiista, waxaana ay markabka ku fuuleen diyaarad Helicopter ah.

Kooxda doomaha yar yar wadatay ayaa lagu guuldareystay in la qabto. Waxaana ay goobta uga baxeen iyagoo badqaba.Mana jirin howlgalkaan wax burcad ah oo lagu qabtay.

Weerarkii lagu qaaday BASILISK waa qeyb ka mid ah walaaca dib u soo laabashada burcad badeeda Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.