Wasiir Haruuse oo yiri ” Aniga isma casilin “

Wasiir Haruuse oo yiri ” Aniga isma casilin “

Muqdisho ( Raxanreeb )  Tan iyo xalay warar kala duwan ayaa ka soo baxay is casilaad la sheegay inuu damacsan yahay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Abshir Cumar Haruuse ayaa meesha ka saaray jiritaanka warka ku saabsan inuu damacsan inuu baneeyo xilka uu hayo ee arimaha dibadda

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray in beem abuur ay tahay warka baraha bulshada qabsaday ee ku saabsan inuu xilka ka tagayo isagoo xusay in howl shaqo oo dibadda ah uu ku maqan yahay.

“Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha. Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay,” ayuu ku yiri hadal qoraal ah oo uu ku daabacay barihiisa bulshada.

Hadalkan ayuu Wasiirka ku soo beegay shaki badan oo laga qabay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ay is casili doonaan sabab la xiriirta khilaafka la xiriira musuq maasuqa.

Wasiir Abshir iyo wasiirka maaliyadda ayaa baraha internetka lagu qoray inay iska casileen xilalkoodii, iyagoo la sheegay inay ka caroodeen faro galin la sheegay inay madaxtooyadu ku hayso wasaaradahooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.