Taliyaha Sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray & ujeedka socdaalkiisa

Taliyaha Sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray & ujeedka socdaalkiisa

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyaha Nabad Sugidda  Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa maaanta oo Jimca ah  soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Labada taliye ayaa kawada haday arrimaha amaanka iyo iskaashi dhaxmara labada dhinaca, waana markii ugu horreysay ee uu Muqdisho yimaado taliyaha NIS ee dalka Kenya, balse todobaadkii hore ayuu boqosho aan la shaacin waxa uu ku tagay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Sirdoonka Kenya ayaa dhawaan qabtay ganacsade Soomaali ah oo Al- Shabab u keeni jiray agabyada ciidanka iyo qalabka qaraxyada, waxaana la sheegay in uu yahay ninkii lahaa Konteenarro bishii May lagu qabtay Dekadda Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo Nuuraadiin uu imaanayo magaalada Muqdisho isla markaana la kulmo Taliyaha Nabae sugida Soomaaliya Mahad Salaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.