Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa qaabilay, Madaxa Ergada Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya Antoine Grand.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, kor u qaadidda isku duwidda howlaha bani’aadannimada, iyo is waafajinta gargaarka bani’aadannimo mudnaanta qaran ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga la xiriira ilaalinta dadka rayidka ah, hirgelinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada (International Humanitarian Law – IHL), adeegyada caafimaadka, iyo xoojinta adkeysiga bulshooyinka si ay ula tacaalaan caqabadaha bani’aadannimo.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Mudane Antoine Grand ayaa marka hore ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isagoo sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya mar waliba uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’adda aanqeyrta Cas ICRC si loo taageero daryeelka iyo horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply