Dadka Maxaas oo ku fiidsaday “dagaal” u dhaxeeya ciidanka DFS & Al- Shabaab.

Maxaas ( Raxanreeb ) Dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxaha deegaanka oo dhinac ah  iyo kooxda Al- Shabaab ayaa goordhow ka qarxay deegaanno hoosta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka Dowladda  ka hor tageen weerar kooxda Al- Shabaab la sheegay in ay  qorsheeynayeen in aay ku qaadaan deegaanka Goobo, oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka xooggiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu hadda ka socda deegaanka Guuleed dhoore oo ku dhow goobo oo hoostagta  degmada Maxaas.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Hiiraanayaa ku warramaya in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen kooxda Al- Shabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.