Capetown (Raxanreeb ) Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay sirdoonka Israa’iil ay kala kumayso cabsi gelin joogto ah.
Arintan waxa ay ka danbeysay markii maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ay Dowladadeed u gudbisay Xasuuqa Yahuuda ay ku hayaan Shacabka Falastiiniyiinta.
“Wakiillada Israa’iil iyo sirdoonkoodu, [tani] waa waxa ay samaynayaan, waxayna isku dayayaan in ay ku cabsi geliyaan, waxay doonayaan in ay na joojiyaan, marka sabab baa jirta” ayey u sheegtay warbaahinta gudaha wasiir Naledi.
Intaas waxa ay warkeeda ku dartay Pandor inay ka walaacsan tahay ammaankeeda iyo tan qoyskeeda,ayadoo sheegtay inay heshay fariimo hanjabaad ah.
Wasiiradad arrimaha dibadda Koonfur Afrika oo kulan la yeelatay wasiirka booliiska Koonfur Afrika ayaa la wadaagtay xogta hanjabaada iyo cabsi-gelinta ay la kulmeyso, waxa ayna codsatay in la siiyo ilaalo dheeraad ah.
Israa’iil ayaa marinka GAZA waxay ka wadaa wali duqeymaha ay ka fulinayso halkaas oo ay ku dhimayaan maalin kasta dad badan caruur iyo duwar Falastiin ah taas oo wali aan lagu guulaysan in la joojiyo.
Leave a Reply