Golaha shacabka oo meelmariyay seddax hindise sharciyeed.

Golaha shacabka oo meelmariyay seddax hindise sharciyeed.

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Sabti xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay seddax hindise sharciyeed oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa hore loo soo gudbiyay.

Waxa  ku jira hidisayaasha maanta xildhibaanada ay meel mariyeen hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, oo horey usoo meel mariyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Talaabadan  Golaha shacabka ee Soomaaliya waxaa ka mahadceliyay  Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo ku tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay , in ay ansixiyeen oo ogolaatay 149-Xildhibaan, halka uu diiday hal xildhibaan , mana jirin wax xildhibaan ah oo ka aamusay ansixintan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale  ansixiyay heshiiska ku biirista Urur goboleedka dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana Haa ogolaatay 148-Xildhibaan.

Sida Guddoonka uu sheegay hidisayaashan ayaa soo maray xubnaha Golaha wasiirada Sooamaliya , kuwaas oo u soo gudbiyay Golaha shacabka si ay ugu gutaan waajibka saaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.