Wasiirka Maaliyada oo cadaadis la saaray ugu laabtay Masuuliyiin uu shaqada ka joojiyey

Wasiirka Maaliyada oo cadaadis la saaray ugu laabtay Masuuliyiin uu shaqada ka joojiyey

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka Maaliyadda ee XFS ayaa dib uga laabtay shaqo ka joojintii xalay uu ku sameeyay Xisaabiyaha Guud, kadib culaysyo fara badan oo uga yimid dhinaca madaxda ugu sarreysa ee Dowladda.

Shaqo joojinta labada masuul ayaa markii hore loo cuskaday qodobo ay ka mid yihiin amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul .

Waxaa uu sheegay Wasiirka maaliyadda in  Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, u jeedinayo iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.