Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay danjiraha China

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay danjiraha China

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Da’ud Aweys Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda China Fea Shengchao.

Kulanka safiirka iyo wasiirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo safaaradda waddanka Shiinaha.

Da’ud Aweys ayaa uga mahadceliyay danjiraha garab istaagga iyo taageerada joogtada ah asagoona ka codsaday in lasii xoojiyo.

Fea Shengchao ayaa ka hadlay kulankaasi asagoona sheegay inay sii xoojinayaan taageerada ay siiso wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.