Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kula Kulmay Wasiirka Raadiyaha iyo Telefishinka Shiinaha+SAWIRO

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kula Kulmay Wasiirka Raadiyaha iyo Telefishinka Shiinaha+SAWIRO

Beijing (Raxanreeb Online): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa caawa magaalada Beijing kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Raadiyaha iyo Telefishinka Shiinaha, Marwo Cao Shumin.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, isagoo soo bandhigay sida Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay uga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta waaxda warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo warbaahinta, dhaqanka iyo adeegyada la xiriira isgaarsiinta iyo tebinta wararka ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.