Istanbul (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo dalka Turky-ga ayaa sheegaya in halkaas uu ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ismael Hure Buubaa.
Prof Ismaaciil Buuba ayaa Mudooyinkii udanbeeyey Xaalad Caafimaad u jiifay mid kamid ah Cisbitaalada dalka ku yaalla dalka Turkiga.
Allaha u naxariistee Buubaa oo xanuunsanaa in muddo ah ayaa dalka waxa uu ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare ku-xigeen, wasiirkii arrimaha dibeda iyo Wasiirka Maaliyada.
In muddo ahna waxa uu ku nool AUN Prof Ismaaciil Buuba magaalada Hargaysa ee Somaliland oo uu ku nool ka dib markii uu xanuunsaday ayaa loo qaaday dalka Turky-ga.
Leave a Reply