ATMIS ‘’Waxaa la jooga xilligii cunaqabataynta laga qaadi lahaa Soomaaliya‘’

ATMIS ‘’Waxaa la jooga xilligii cunaqabataynta laga qaadi lahaa Soomaaliya‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxa hawlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in saaxiibada caalamku garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya.

Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in baahi loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya isagoo u sababeeyey in dalka wax badan laga qabtay.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri danjire Mohamed El-Amine Souef.

“Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in ka qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliyaa ay u oggolaaneyso ciidamada Soomaaliya inay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.

Leave a Reply

Your email address will not be published.