Wasiirkii Maaliyadda Farmaajo oo ka degay Hargaysa ,cafisna waydiistay Biixi

Wasiirkii Maaliyadda Farmaajo oo ka degay Hargaysa ,cafisna waydiistay Biixi

Hargaysa ( Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cabdiaraxmaan Bayle Du’caale, ayaa galabta ka soo degay garoonka Diyaaradaha Hargeysa kadib markii Muuse Biixi uu cafis waydiistay.

Dr Bayle, oo ah aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya.

Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargesa ayaa lagu soo warramayaa inuu maray habraac ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Somalia, kadibna la cafiyay.

Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay dowlada federaalka Somalia ayaa xiliyo kala duwan dib ugu laabtay Somalilad, ka dib markii waayeen xilalkii ay hayeen, cafisna ka dalbadeen madaxda Hargeysa fadhida.

ma’aha siyaasigii ugu horreeyay oo xil sare ka qabtay dowladda federaalka oo haddana dib ugu laabta Somaliland, waxaana ka horreeyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ra’iisul wasaare ku xigeen kasoo noqday Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasii horreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.