Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamada ciidanka qalabka ayaa maanta oo Axad ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Ayuub uu horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, waxaa uuna soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka Al-shabaab.
Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in Ayuub uu ku soo bartay bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu bambo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidanka uu bambada ku tuuray.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo soo gabagabeesay dhageysiga dacwadaha loo heestay Ayuub Cismaan Sheekh, waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 15-sanno oo xabsi ciidan ah , waxaana xukunsanaha la siiyay fursad uu racfaan ku qaadan karo
Leave a Reply