WAXA CUSUB :Qaraxyo lagu aasay waddooyin muhiim ah oo la soo saaray.

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah Degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur waxaa laga soo saaray miinooyin lagu aasay dhulka kuwaas oo la sheegay in damacu ahaa in lagu waxyeelo rakaab ama ciidanka maamulka Galmudug.

Waddadan ayaa inta badan waxa ay halbowle u tahay ciidanka Dowladda iyo kuwa dowladda Federaalka marka ay howlgalada u aadayaa deeganada hoos yimaada Guraceel.

“Ciidanka Dowladda Fedaraalka qeybta miino baarista ayaa qarxiyay miinooyinkii kooxdu wadada u galisay inay ku dhibateeyaan bulshada Somaliyeed” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dadaalada ku aadan in miinooyinka ay ka soo saaraan waddada isku xirta , Degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur.

Inta badan degaannada dhaca Koofurta Galgaduud ayaa dhowr iyo toban sano ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab in kastoo ciidanka Dowladda ay sheegeen in ay gaari doonaan maalmaha soo socda Degmada Ceelbuur .

Deegaanada – maamulka Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab oo mid ka mid ah ay hoggaaminayaan dadka deegaanka ee is abaabulay halka kan kalena ay wadaan ciidanka maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.