Generaal Odawaa ”45 Al- Shabaab ah ayaan dilnay maanta keliya”

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in meel waanagsan ay marayaan howlgalada ka dhan ah Al- Shabaab kuwaas oo guud ahaan ka socda gobolada dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ku dilay 45 maleeshiyaad iyo horjoogayaal katirsan kooxda argagixisada Al-shaaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in howlgalka uu wali socdo islamarkaasna Al-shabaab laga dilay 45 maleeshiyaad ah.

Degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah degaanada Al- Shabaab ay ku dhibaateeyn jireen Shacabka Soomaaliyeed sida dadka deegaanka ay ku warameen.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa – maalmahan u muuqda in ay kordhinayaan howlgalada ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deeganada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka.

Howgallada waxay ka socdeen Tuulooyinka u dhaxeeya Beledweyne, Buula-Burde iyo Maxaas, halkaasoo Al-Shabaab ay ka go’doomisay degmooyinka dowladda ay gacanta ku hayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.