Weerar jihooyin badan oo lagu qaaday ciidanka Dowladda oo Afgooye

Afgooye (Raxanreeb ) Iska hor imaad u  dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka mid ah Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu si gaar ah uga dhacay Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin Mukayga iyo Haanta-dheer ee degmada Afgooye iyo degaanka Shareey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen kooxda Al- Shabaab lamase hayo warar ka madax  banaan labada dhinac ee xaqiijinaya khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus , taas oo keentay in  hoobayaasha qaar ay ku dhacaan deegaano ay ku sugnayeen dad rayid ah

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay gacanta kuhayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.