Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay  Deegaanka Qaayib.

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wararka aan ka halayno degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas , dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo kooxda Al- Shabaab.

Dagaalkan ayaa salka ku haya ,  ka did markii kooxda weerar ay ku qaadeen dadka deegaanka oo ku sugnaa duleedka degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Qaraxyo ayaa la sheegay in weerarkan uu ku bilowday ka dib  ay xigtay  dagaal toos ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka  – goobjoogayaasha.

Sarakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ka adkaadeen kooxda weerarka soo qaaday  isla markaana xaalada ay taha mid degan.

Degaanka Qaayib  ayaa ka  mid ah deegaanadii dhawaan laga saaray  kooxda Al- Shabaab  isla markaana si  buuxda  ay ula wareegeen kooxda Al- Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay deegaanka Qaayib oo maalmo ay u xusul-duubayeen sidii Al- Shabaab  ay uga saari lahaayeen.

wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.